Beledweyne,(insidesomalia.org)- Warar lagu kal soonyahay oo soo baxay saakay ayaa sheegayo in hubkii gudoomiyihii hore ee gobolka hiiraan yuusuf axmed hagar (daba-geed) in ay la wareegeen ciidamada ethiopianka ah ee fariisinka ku leh duleed magaalada b/weyne ee janto-kundisho.
Lama oga sababta keentay xilligan in hubka gudoomiyihii hore ee gobolka hiiraan yuusuf daba-geed ay la wareegaan ethiopianka uu yahay amar ka yimid Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaliya iyo inkale walow xalay ilaa saakay la'arkayay Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan kuwaasoo soo galay gudaha Magaalada waxaan jirto hadeyn hayn ah in maanta uu imaan rabo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka.
Hub ka dhigistan lagu sameeyay Gudoomiyihii hore ee Goblolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa xili mudooyinkii ugu dambeeysay uu ku adkeesanayay in uu isagu yahay Gudoomiyaha saxda ah ee Gobolka Hiiraan, waxaana jirtay in waqtiyadii ugu dambeeyay uu Gobolku ahaa mid Maamul la'aan ah, iyadoo sidoo kalana qaar ka mid ah Xubnihii dhawaan loo soo magacay Gobolka intoodii badneyd ay iska casileen xilalkaasi.
Dadka ku dhaqan Magaalaada beledweyne intooda badan ayaa waxaa ay saaka is weydiinayaan sababta xilligan soo dadajisay in hubka dhigis lagu sameeyo Gudoomiyihi hore ee Gobolka waxayna leeyihiin ha ku tusaalo qaataan Mas'uuliyiinta markasta hoos gasha Dowladda Itoobiya, ma'ahan oo kali ah hubka dhigistan lagu sameeyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka balse todobaadkan gudahiisa ayaa sidan oo kale Hubka dhigis loogu sameeyay 3da Mas'uul ee ugu sareyso Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasoo kala ah Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb max'ed dheere iyo Taliyaha Ciidanka Booliska cabdi Qeybdiid iyo Taliyaha Nabad sugida Gen. Darwiish waxaana dadka siyaasada Dowladda darsa ay sheegayaan in xubno kale oo badan hubka dhigis tan oo kale lagu sameyn doono.
Yuusuf Daba-geed ayaa haatan waxaa uu ku suganyahay Xaafad ka tirsan Magaalada B/weyne, isagoo rayid ah oo aan wadan wax ilaalo ah.
waxaana saaka soo galay gudaha Magaalada B/weyne Ciimadamo Itoobiyaan ah, kuwaasoo fariistay ama ilaalo xoogan ka qabtay dhamaan wadooynka Magaalada iyagoo aad u hubeysan waxaana ay saaka ka duwan tahay waqtiyadii hore ee ay soo gali jiraan sababtoo ah waa ay ka tiro bdan yihiin kuwii hore u soo galijiray, waxaadna moodaa in ay wafdi sugayaan sida dhacda marka uu wafdi imaan rabo, waxaadna ka dereemeysaa feejignaan weyn.
Wararka aan ka helayno ilo xog'ogaal ah oo ku dhaw Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Max'ed Axmed Max'ed ayaa sheegayo in lagu wado in uu maanta soo gaaro Gobolka Hiiraan,taasi ayaa keentay in Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee sidan u tirada badan ay soo galaan gudaha Magaalada waxaa sidoo kale Ciidamada Itoobiyanka ay ku sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha ee ugaas khalif Airport ee Magaalada B/weyne halkaasoo lagu wado in uu ka soo dagto Gudoomiyah cusub ee Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyahan cusub hadii uu soo gaaro Gobolka ayay dadku waxaa ay is weydiinayaa waxa uu ka qaban karo siyaasada cakinan ee Gobolka maadaama ay intii badneyd Maamulkii lala soo magacaay ay is casileen